Heesta Taagdareyoo - Lyrics
tawaadaheeyoo
taahayo xanuuniyo
jacaylbaa i taabtee
igu tarmoo anoo idil
ka talaabsan waayoo
tunkaygaa la saaree
iga tagtoo adiguna
wixii aan tusmaystiyo
caashaqeenii tuurtoo
aniguna tabtiibaan
tibixda amaantiyo
heeso kuugu tiriyaa
taag dareeyoo
cidladaad i taagtaa
iigu timid cadceedii
turxaantaad i saartaad
wadnahayga turuqdoo
wali aan la tiicaa