inta dumar mar xidhatee
ku xaydaaran dunidiyo
xaawalayda oo idil
xaqiiq taan ka doortaay
xididada wadnaha iyo
xuubkayga beerkiyo
xinjiraha waraabshiyo
xubin iga midaa tahee
xiskaygaa ku tabayee
xasuus baad ku reebtee
xubi aan wadaagnee
xilahaygii ii noqo

naftan kuu xayiranoo
dumar kale xodxodanee
kaligaa ku xulataa
xal u raadiyaa
in xariiq ku gaadhtiyo
xumo kaa ilaashoo
xushmad aan dhamaaiyo
xurmo kuu hayaa wali
xiskaygaa ku tabayee
xasuus baad ku reebtee
xubi aan wadaagnee
xilahaygii ii noqo

Exit mobile version