laba xuuble yeeliise
ma laasimay tubtaan rabay
ha laablaabyo badatee
libintii ma gaadhnee
lur kastooy ahaataba
ma la i liiicin kari waayee
alleylahe liiibaanee
imikaan ladnaanoon
libintii haleelnoo
inagoo lamaana ah
isku laba ahaanoo
laaba is galinee

ma lugo,ay diraaluhu
ma la qaadan waydoo
laydhii jacaylkuna
ma ku laashay meel fog
laqanyadii jacaylkuna
maku loodin waydoo
maku leexin waydee
imikaan ladnaanoon
libintii haleelnoo
inagoo lamaana ah
isku laba ahaanoo
laaba is galinee

Exit mobile version