VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhaban qurux - Lyrics

dhaban qurux ayaaneey dhaqaaqaaga socodkiyo dhexdaada simanbay dhaayuhu qabteenoo dhugashada ku wacantay dharaartaynu kulanaa dhawaaqiyo codkaagay dhaguhu maqleenoo igu dheliyay caashaqa dhool soo hilaaciyo dhibicdii xareedaay anigoo dhabtaadiyo dhinacaaga jooga dhimirku soo noqdaayoo dhibaatadu i daysaa dhereriyo laxaadiyo dhiigaygiibaad tahee dheeftaydu waa adi waxaan dhawrayoon rabay ii dhamaatay maantee dhexdintaydii noqotee ALLOW aad dhalaaniyo ubad ii dhashaayoo dhidibkeenu waaraa
Queue is empty
-- / --