in badan baan riixi lahaa
jacaylka ragaadiyoo
wuxuu raagaba maruun
inuu gudho raadiyo
indhaha ka rid baan lahaa
ka bi,i raad baan lahaa
halkaa rubada qalbiga
jacaylku ku reebayoo
rifoo raaf baan lahaa
anoo rajo quus ahaa
rafaadka i haystiyo
xogtaan boholaha ku riday
midii iga soo ruxdee e
jacayl igu raacdayee
halkaa rubadaad ku taalaa

intaad ruc meel ku taal
rakada sare aan dhawayn
ishaada la raaci lahayd
naftaada ka reeba oo
ka diga rogo baan laha
quluubtu waxay rabtaan
ha raadine joog lahaa
anoo riiqdii jacayl qabaan
runta diid lahaa
anoo rajo quus ahaa
rafaadka i hayysta iyo
xogtaan boholaha ku riday
midii iga soo ruxdee
jacayl igu raacdayee
halkaa rubadaad ku taal

Exit mobile version