aasiyaay amaan wad istaahishaa
aqoona rabibaa ku siiyay
ugubna inan baad u tahay
allaa ceeb kaa ilaashoo
caqliga edab kuugu daray
oo aasiyaay ku caleemo saaray
aqal nimaad u joogoo
ooridiisa noqotaa
aayihiisu wacanaa

aasiyaay aasaagaa waad usidataa
iska idhana maayee
sharafna ehel baad u tahay
waxaad tahay indheer garad
qoys waacani ababshoo
oo aasiyaay dadku wada amaanen
aqal nimaad u joogtoo
oooridiisa noqotaa
aayihiisu wacanaa

Exit mobile version