Wakhtigoo mar gudhanbaa
Mar godladaa Barwaaqoo
Waa Giraan Aduunyadu
Hadba Galinba Caynee

Dadka ruuxa gacan madhan 2×
Inkastuu go cawlani
Garabkiisa sudhanyahay
Yaanu waayihii gabay
Kugu odhan gob maahoo

Waxad galinba aragtiyo
Hadba dhaayo guudkoo
Yay garasho hada garashoo Kaa noqon

Gobonimo hawada bidin
Ruuxaad galab isbarateen
Hana moodin gacalkaa
Guushaada guushaada
Guushaada ruux neceb
Adigoo gargaar biday
Ruuxa gacan ku siin kara
Abaal maanta uu gabay
Bari yaanu kuu galin
Cimrigiyoo gugagiyo garaadkaaga
Garaadkaaga kaashoo
Gurac hadalka haw odhan
Haku waayin ruux goba
Eray uuna kaa gayin

Lyrics by Abdirahman Mahamuod

Exit mobile version