raxmaanaw allaahayoow
intii ku raacdee
diintii rumaysee
rasuulki adeecde
aad ka raali tahay
anigana i raaci
diintaan ku raysane
raffaadkii aan soo maray
iga reeb allahayow
rabitaanka noloshana
raxmadaada igu sii
rajo ii hagaagtiyo
nolol raaxo taal
guul baan dhisee
alloow iii rumee
rayskaa qaboobee
indhahaygu raaceen
u riyaaqay aniguye
meel roob ku da,ay
ii raaci khayrkoo
alloow iigu roonoow
alloow ii rumee
rafaadkii aan soo maray
iga reeb allaahyoow
rabitaanka noloshana
raxmadaad igu sii

Exit mobile version