Armuu i dilaa cishqigu
armuu diihaal jacayl
naftayda dugaashadaa

Hadduu cilmi doogta dhigay
armuu anna igu daraa
qabriga ii daahdahshaa diiwaanka
diiwaanka armaan galaa

daymooy, daymooy anigoo ku jecel
Naftaydana aanan daweyn
armaad iga dooorsataa
cidlada igu deyrisaayoo
dalxiistaa meelo kale

Danteenna adaa haya
taladaan kuu deynayaa
adoo ii diirnaxaya
qalbiga raxmad iiga doon

Armuu doog igu noqdaa
niinaan door iga mudneyn
armay dantu caawisaa

Haday hodan diidday ruux
Markii dunta loogu xiray
armaad adna daanadaa docdaada
docdaada ka yeelataayoo

anoo, anoo kuu daacadoo
jirkayguna kuu doonayoo
Wadnaha dabar kugu xidhay
armaad axdi doorisaaayoo
dawaaftaa meelo kale

Danteenna adaa hayoo
taladaan kuu deynayaa
adoo ii diirnaxaya
qalbiga raxmad iiga doon

Exit mobile version