Barbaartii is xulatee
Kalgacaylku biyo dhigayee
Lama waayo bilanee
Shaydaan bileeyo
xumad wada beershee

Intaan baahi kuu qabo
Naftu bayrax kuu tahayee
Jaceylkana ubaahanahayee

Haboon soo baqooloo
Bishaaradadii axdiga
Bishii todabaad
Balantaan lahayn
Wax baajiya ka dhowr

Boqoradii habeenkee
Boholyowga caashaqa
Inay tahay mid bi’isiyo
Bogso laga rajeeyaa
Walow aan badi furin

Intuu beerku nugulyahay
Bogu wehishi leeyahay
Adna baari ii tahay

Haboon soo baqooloo
Bishaaradadii axdiga
Bishii todabaad
Balantaan lahayn
Wax baajiya ka dhowr

Exit mobile version