sabankii barashadenu
bilaabantaye kulanay
halkaan caashaqa ku beernay
bogiyo wadnaha isku siinay
hadmaan soo booqanaa
hadmaan baradii jacaylka
halkii boholyaawga dhalisay
badbadisay wada jirkeena
bundada ubaxa soo dhignaa
hadmaan baahuinaa warkeena
usoo bandhignaa aduunka
barbartaa jacaylka liita
hadmaynu kaa baananaa

hadmaan boganaa xusuusta
budulkii waayha jacaylka
sidii cantar binu shadaad
baaqiisa dadka u dirnaa
hadmaynu bayaaminaa
bugcadii lagu aaasay iyoo
bartii uu dhigay ceebla iyo
baahiyaalkeedi kalgacal
hadmaynu barnaa naflaha
hadmaan baahiinaa warkeena
usoo bandhignaa aduunka
barbaarta jacaylka lliiita
hadmaynu ka baananaa

hadmaan bulashada jacaylka
xogti badankiisa taalay
buugaag ku qornaa xasuusa
boodhari io waayihiisa
hadmaan ku baraarugnaa
hadmaynu tagnaa barbara
bartiii ilmadiisu qoysay
hadmaan binadii jacaylkii
bulooy soo dhagax dhignaa
hadmaan baahinaa warkeena
usoo bandhignaa aduunka
barbaarta jcaylka liita
hadmaynu ka baananaa

hadmaan baanihii jacaylka
intuu buro qays burqaanayay
intuu barkanaa dhibkiisa
intuu baaxaa dagayay
hadmaan bigilka u tunaa
tabasha beerkaaga taala
inaan daymadu bogsiinin
bidhaani dawayn jacaylka
hadmaan bulsada u dhignaa
hadmaan baahina warkeena
usoo bandhignaa aduunka
barbaarta jacaylka liita
hadmaynuu ka baananaa

Exit mobile version