VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Bini aadamka - Lyrics

Inkastoon bu'aan Ballan kula galaan Been iyo baroor Kula baal ordaan Bariidda macaan Kugu baabayaan Boholyoow jacayl Kugu beerayaan Bini'Aadankaa lagu bartaa Markaad baahan tihiyo Markaad tahay bestaa Inkastooy bishmaha Kugu wada boqraan Ama baarqab iyo Boqol kaab ku jira Badi kaa dhigaan Inkastooy badhkood Bun kuu tumaan Balo kuu lulaan Bini'Aadankaa lagu bartaa Markaad baahan tihiyo Markaad tahay bestaa Bogasha dadkaay Waxaad tahay bad weyn Nafku beeg nafbaan Ku basaasayaa . Qalbi bayrle baan Dhirku beerayaa Axdi baajibaan Ku buseyl mutee Hanka baaluqoo Hay badiyayn Niyad beeraqdaay Hay bernuglayn Bini'Aadankaa lagu bartaa Markaad baahan tihiyo Markaad tahay bestaa
Queue is empty
-- / --