VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta boqol dhaan - Lyrics

kala dhaw afkoo laga dhihiyo wuu i dheefsadaye e kala dheer qofkuu soo dhibiyo ruux ka dhoohaniye kala dhilan xusuusuhu siday kuugu dhagayaane nafta waad ku dheertahayee dareemada la dhaadee wadnaha dhiiga wada raacaa dhud qudhaa la moodaa dushee kala dhuda weeyaanee xiisiuhuna waa dheelka amase dhedo arooryaade mar hadaanu dhaadhicin cishqugu waa iska dhalanteede dhawrsanaba noloshii in badan aan u dhololayee alleylahe hadii ay dhan tahay dhalatay guushiiyee midigtaada ii dhiib qalbiga waad dhakhtarise dhinacaaga waa giijisoo dheeli gali waayee boqol dhaan inaa tahay dadkaa qiray dhamaantoode midigtaada ii dhiib inbadan dhawrayoo sugaye waxaa tahay qof dhaayuhu rabaan una dhawaadaane markii aan ku dheehdaa wax badan dhoosha ka qoslaaye dhaawacaygu waa gabadh kalood dhinaca saartaaye dhimashada horteed hayga tagin dhedig ahaanshahaadiyo xishood dhuunka lagu dhaabay dhalaalka quruxdaa dheeman baa la mooda dushee dhalaal laguu siiyee ma ilaaawo dhaqankii gobeed dhaaxo iyo goore dharaaro adaa i smaray oo wakhtigu soo yar dheeliye dhawrsanaba noloshii in badan u dhololayee alleylahe hadii ay dhantahay dhalatay guushiiyee midigtaada ii dhiib qalbiga waad dhakhtarisee dhinacaaga waa giijisoo dheeli gali waaye boqol dhaan inaa tahay dadkaa qiray dhamaane midigtaada ii dhiib in badan dhawrayoo sugaye
Queue is empty
-- / --