VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ceebaha dadka - Lyrics

Dhashii nabiyada xumeeyay Dhibtiyo nabarada u gaystay Ka dhiidhiyay ruux wanaagsani Dadkana jecel dhaawacoda Aduunka kamay dhamaan Dharaarba qofbaa ku nooloo Dheeftiisuba xumaan ka tahay Ha noqon ruuxaa ku dhiiran Inuu ruux kale dhantaalo Dhulkiyo noloshana u joog Dhaliisha inaad raadine Taaduun ku dhawrsanayn Ceebaha dadkana ha dheehanine Dadbaa oogada dhamaysa Waliba dharar iyo laxaadle Hadana garashada dhalaana Dhawaaqiyo weedha fiican Dadbaan dhagahoogu maqal Dadbaan ka dhinayn xiskoo Hadana sharaf dhawrsanayn Waxaad dhigatiyo qofkaad tahay Taariikhdaa hada kaa dhab sheegi
Queue is empty
-- / --