cimilada gugu waxay caan ku tahay
hadii aan cabiro cirka oo day hogol
curatay cosbko baxay dhulkoo
cagaarlo cudkiina dhalay
dad is caashaqoo cindiga iska raba
lama kala ceshee ee waa la caawiyaa
hadii lays calmado
ceeb maaha oo caadi waaye
oo dookho waa cajii
cawaaba waa aroos
la cadeeyo loo ciyaarayo
cumar iyo huday caano wada dhamo
cidhib barako lo cisi ku aqal gala

caruus lagu farax sanyo
caafimaad qab helo
cimri dhareer helo
casiis guusha idin sii

dad is caashaqoo cindiga iska raba
lama kala ceshee ee waa la caawiyaa
hadii lays calmado
ceeb maaha oo caadi waaye
oo dookho waa cajii
cawaaba waa aroos
la cadeeyo loo ciyaarayo
cumar iyo huday caano wada dhamo
cidhib barako lo cisi ku aqal gala

Lyrics by Maxamed Cabdilaahi Xuseen

Exit mobile version