daaloo barwaaqa
naftu doogsnaysaa
kuu daawadaayoo
dayr curatay dhibicdeed
ku da,aysa shiikh baad
daymadoda leedahay
dagmo iyo aroosiyo
raaxo lagu dakeeyaba
daa,im ha ina siiyee

ha daayicin axdiga xidhan
diihaalka soo maray
dadku ay ka yaabeen
daadihi jacaylkoo
caashaqa daryeelo
ka ilaali daranyada
dagmo iyo aroosiyo
raaxo lagu dakeeyaba
daa,im hayna siyoo

Exit mobile version