VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dadku waa hanti - Lyrics

dadku waa hantiye baro wax la hubo ha beenayn xaq la helay ha duudsiyiin qof helana ha caasiyin hana nnoqon qof xaasiida hadba libinta kii hela hambalyada kusoo rabid waa hadiyad noloshuna heedhe kugu amaanee inta aan hedaa iman beegso hilinka tooska waana socod hayaanee kolba heerkaad joogtiyo waxaad maanta haysana haka dhigan min guurshee hir markii aad gaadhana sii hilaadii kii kale una dhaqan hab maamuus ka ilaali hadimiyo wax dhexdiina kala hela dadku waa hantiiye baro dadku waa hantiye baro waxaad hiigsanaysiyo waxaad hel aad leedahay hayaanka iyo geediga adigoon hore u rarin kasii fiirso oo hubi sahan iyo ku beeg hadaf cilmiga uu horeeya bar qofkaad haleeshaba kolay tahay ha iyo waaw hibashada wax kaa maqan haybintiisa haw lumin waxaad haysatoo yaal ha dayicin hankaaga iyo haybadiyo sharaftiyo hantidiyo ma guurtada rabi kaaga dhigay hibo ruux hadhuubka kuu culay siduu kuugu huray baa loogu sii hambeeyaa
Queue is empty
-- / --