VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dhaaxaan mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mohamed Bk
Dhaaxaan

dhaaxaan niyad meel u jeeda
jaleeco ka naawilaayay
dhaaxaan qalbigayga jeedal
ku jiidayay oo gubaayay
jikaar iyo weedhe dhiifle
dhaaxaan ku jalbeebinaayay
hayeeshee ruux jabkiisu
qardhaas u jixaasi waayay
jimiimica caashaq leeyay
wuxuu ka noqdaa juhuule
jalkii hore waa duruuse
ileen jano way dambaysay
haduun baan jaanta saartay
jidkii caashaqu lahaaye
jacaylka bal aan qaleeyo

inteen xabsi caashaq jjifay
jalkaygu ahaa tawaawac
xiisaha jiilaalku leefay
maxaan jir usoo ergeeyay
inteen jeedaalinaayay
kal iyo laab iga jiciirtay
markaad xiisaha janjeedha
adigu kaligaa jafayso
ee ay jamashadu hal ahaatay
la yidhi waa naar u jeelid
la yidhi waa jar iska xoorid
la yidhi waa jaama qaadid
haduunbaan jaanta saaray
jidkii caashaqan lahaaye
jacaylka bal aan qaleeyo

codkii Mohamed Bk