VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Foosiya - Lyrics

Sidii geenyooyin faras Fanka sare koorihiyo Xariir lagu fidiyayoo Fagaare la joojiyaad Facaa qurux dheertehee Allaw foosiyaay ku daa Markaan foolkiyo wajiga Faxane siduu kuu qorqoray Fiirsho waxaan idhaa Filkeed dhaan weeye tani Hadaan faalada warkiyo Faqidaada aduun xukumo Muuqaalada lagu farxiyo Furaha bogga hore Adaa Muuqaaga ku faafin lahaa Waxad tahay gaari feejig Ku foogan ubadkiyo rugteda Nolosha feedheeda haysa Ku filan Xilka hooyonimo Fadhiga uga caagtay hawl Farxadii naftu waa adiga Garaad kaaga fayaw Fikrado dahabaad sida Faa'iidaad muujisaa Nolosha lagu faani karo Hadaan faalada warkiyo Faqidaada aduun xukumo Muuqaalada lagu farxiyo Furaha bogga hore Adaa Muuqaaga ku faafin lahaa
Queue is empty
-- / --