Sidii geenyooyin faras
Fanka sare koorihiyo
Xariir lagu fidiyayoo
Fagaare la joojiyaad
Facaa qurux dheertehee
Allaw foosiyaay ku daa
Markaan foolkiyo wajiga
Faxane siduu kuu qorqoray
Fiirsho waxaan idhaa
Filkeed dhaan weeye tani
Hadaan faalada warkiyo
Faqidaada aduun xukumo
Muuqaalada lagu farxiyo
Furaha bogga hore Adaa
Muuqaaga ku faafin lahaa

Waxad tahay gaari feejig
Ku foogan ubadkiyo rugteda
Nolosha feedheeda haysa
Ku filan Xilka hooyonimo
Fadhiga uga caagtay hawl
Farxadii naftu waa adiga
Garaad kaaga fayaw
Fikrado dahabaad sida
Faa’iidaad muujisaa
Nolosha lagu faani karo
Hadaan faalada warkiyo
Faqidaada aduun xukumo
Muuqaalada lagu farxiyo
Furaha bogga hore Adaa
Muuqaaga ku faafin lahaa

Exit mobile version