Heesta Hab kusoo dheh - Lyrics
BK:
Hankaa ku rabee ha hoolin
Bagga ku jecel ha qodin
Haye igu dhahoo kumee Dareen
Dareen:
Naftaada haddaan daweeyo
Mid kale caashaqa kaaga hiisho
Hadhow ragga qaar ha noqon
Hoy baan bogga kaaga dhigay
Haddimo waan kaa ilaalin
Hab soo dheh laabtayda soo gal
Ax Hadaba iga noqo masuul
Halkaad ku taal kaama tiri karo
Hubaal naftaana ku jecel
Adaan kugu haminaayee
Huqa iyo iga dhowr dhibaato
Hoy baan kaaga dhigay bogayga
Haddimo waan kaa ilaalin
Hagrasho jacayl aan lahayn
Galgacal aan hareero joogno
Hogaanka uhay wanaaga
Nimcooy uhaay wanaaga
Qalbigaan hadiyay kaaga dhigay
Halyeey u ahaaw dulqaad leh
Hogaanka uhaay naftayda
Hadda dumarnimo san baa tahee
Hormuudkii nolashaa tahee
Calafku aduu ikaa hibeeyay Nimcooy
Halkaan ku lahaa rag baa tahee
Jacaylkaaga waa helee
Nasiibku bk igu kaa hagaaji
Waxaan ahay hoodadeeda
Habeenba middii ideeqday
Waxaa tahay himaladeeda
Hadeer kaama maarmaheenin
Halkaad ku taal kaama tiri karo
Hubaal naftaa ku jecel
Hab soo dheh laabtayda soo gal
Ax Hadaba iga noqo masuul
Hoy baan kaaga dhigay bogayga
Haddimo waan kaa ilaalin
Waxaa tahay himaladeeda
Hadeer kaama maarmaheenin
Hoy baan kaaga dhigay bogayga
Haddimo waan kaa ilaalin
Hagrasho jacayl aan lahayn
Galgacal aan hareero joogno
Hogaanka uhay wanaaga
Nimcooy uhaay wanaaga
Qalbigaan hadiyay kaaga dhigay
Halyeey u ahaaw dulqaad leh
Hogaanka uhaay naftayda