Marlee ma halmaamo ruux
Markuu caashaqu hantiyo
Naftiisa hogaamiyee

Sidii hogal soo da’diyo
Sidaa tahay kali habeen
Kalgacal ma igu hoorayee
Hadaan kula joogo iyo
Hadaan kaa dhaxo habeen
Sidaad igu heelantahay
Ayaa niyada uhabatoo
Ku nooshahay anaa qabee

Adaa haybad wacan lahoo
Hawraartii aan ku iri
Hubsoo ha iloobinoo
Yee kula hool yaraan

Marlee ma hungoodo laba
Markuu hibshada cishqiga
Naftiisa hanuuniyee

Sidii hoobaan soo baxdoo
Qalbiga ku dilaacdooo
indhahu ay halaacsadaan
Hirdheer baan kaa arkoo
Hamuun kuu qabaaa
Haraadna ma daayo ruux
Biyaha jeer uu heloo
Adaan kuu heelanahay

Adaa haybad wacan lahoo
Hawraartii aan ku iri
Hubsoo ha iloobinoo
Yee kula hool yaraan

Exit mobile version