marlay ma halmaamo ruux
markuu caashaqu hantiyo
naftiiisa hogaamiyee
sidiihogol soo da,diyoo
sidaa tahay kali haween
kalgacal ma igu hoorayoo
hadaan kula joogiyo
hadaan kaa dhaxo habeen
sidaad ugu heelan tahay
ayaa niyada u habtoo
u nooshahay hanaqadee
adaa haybad wacanoo
hawraartii aan ku idhi
hubso oo ha ilaawinee
ayay kula hawl yaraan

marlay ma hungawdo laba
markiuu hibashada cishqiga
naftiisa hanuuniyee
sidii hoobaan soo baxdooo
qalbiga u hilaacdoo
indhahu ay halacsadaan
hir dheer baan ka arko
hamuun baan kuu qabaa
haraad na ma daayo ruuux
biyaha jeer uu arkee
adaan kuu heelanahay
adaa haybaad wacan lehoo
hawraartii aan ku idhi
hubsoo ha ilaawinoo
yay kula hawl yaraan

Exit mobile version