VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacaylka adaa tarxiilay - Lyrics

Farxada adigoo talaalay Kalgacalkana taakuleeyay Waataan hani taash ku saaray Intaan kaligaa ku taamay Hadana noloshaan tusmaynay Adaa meel daran ka tuuray Caashaqa adigaa tabceeyay Samaha adigaa takooray Jacaylkeenii tarxiilay Wanaaga adigaa tilmaamay Xurmada adigaa tibaaxay Taarkana ii soo dagaayay Intaan heer tiigsanaayay Taladaan kaligeen qorshaynay Tirada adigaa ka saaray
Queue is empty
-- / --