Sidii Curudkiyo dhalaanka
Ku dhiiriyay, kuna dhageestay
Ku dhowray ku soo dhaweeyay
Hablaha kaligaa ku dhaantay

Jaceyl dhaba kugu dhaartay
Dhambaal heesaha ku baaqay
Dhadhabay hurdo kala dhaqaaqnay
Dhankaygana waad ku dheeertahay

iskaarsatay labo is dhowrtay
Kan dhibee ka dheer
Labo wadaaga dhismo
reer wada yaglee
Sidaas iga dhab ahi
Maxaa adna dhab kaa ah

Joogii dhirikiyo lexaadka
Dheehii midibkiyo dhalaalka
Dhawaaq hadalka iyo oraahda
Hab dhaqan milka iyo xishoodka

dhudayahee waxaa tahay mid dhowrsan
Lama dhalin ruux ku dhaama
Dhiigiyo dhuuxa iyo laftayda
dhaxqaatay dhaxtaalin

iskaarsatay labo is dhowrtay
Kan dhibee ka dheer
Labo wadaaga dhismiyo
reer wada yaglee
Sidaas iga dhab ahi
Maxaa adna dhab kaa ah

Exit mobile version