naftu saw jamiilaay
horjoogaaga lama dhicin
saw dookh i jitiyo
dareen maanka jiifsaday
jacaylkaagu kama curan
ruuxdu saw agjoogiyo
haka joogsan waa gobe
jeer hore imay odhan

jalaqsnida saw qurux
qof ma tihid jamaal wacan
ifka taan la jaaraay
nafta kugu jaxaasaye
jago maanka iga sii
ruuxdu saw agjoogiyo
haka jeedsan waa gobe
jeer hore imay odhan

Exit mobile version