jawhartii haweenkaay
ruuxuu jacaylkii
intu saaray jaanyahay
joogi karin la,aantaa

jeexii wadnahoow
dhaaxaan jalaadoo
waaaqlada jibaaxoo
aawada u jeelee

waxa jaala noqotaa
farxad aad la jaartaa
qofay jamatay laabtu
qalbiguna dhankii uu jiro
2x

jaahaaga quruxda leh
intan jaho habaabay
aan jarmaaday socodkii
ehelkii dhamaan jaray

inaan joogo dhaxantii
jirdo gooyo roobkii
onkod igu jibaaday
igu hooray jaaqalada

waxa jaale noqotaa
farxad aad la jaartaa
qofay jamatay laabtu
qalbiguna dhankii jiro
2x

Exit mobile version