kaskiyo kaa saaray maanka
kalgaal hanku kuuma qabo
kaydkii kuma lihid qalbiga
kaligay caashaqaan qabiyo
kuraii lagagoo wadnaha
kolkuu kaalintaadii waayay
kootada naftaan kuugu xidhay
kal hore adigaan kasbanae
kaaftoon qalbigaad rabtee
ka kac kuma sama luladuye
kobtaan hurdo lagu gam,ine

kadliyo orodkii ka rayystay
korkaaga jacayl i keena
kaabaan heli kuugu ilaawo
kuligood hablahoo dhaniyo
korkaa cid ku doorsan aayo
kashaad gabtay bay bogsiine
kootada naftaan kuugu xidhay
kal hore adigaan kasbane
kaaftooon qalbigaad rabtee
ka kac kuma sama luladuye
kobtaan hurdo lagu gam,ine

Exit mobile version