qurux iyo ilwaad dumar
iishu ay ku doogsato
qalbigna ku diirsado
daayin baa ku siiyoo
kinsi waa dun wacan tahay
dookhaygibaad tahay
dunidaba dhamaan
dadba taan ka sahansaday
dareen caashaq bay i wada
dadab iy aroos wacan
aan dabaaldag faraxnee
kalgacaylka daadihi

dabcigaaga dahabka
daganidaada socodkiyo
dabacsanida hadalkaa
dumarkiyo haweenkaba
da,daa aad ku dhaaftaye
dabib baad u tahay rux
dareen caashaq dagayooo
ag joogaag door biday
dareen caashaq bay i wada
dadab iyo aroos wacan
aan dabaaldag faraxnee
kalgacaylka daadihi

Exit mobile version