Heesta Ladan - Lyrics
Muuqiyo ilwaad
midab iyo qurux
dhaayuhu muhdaan
Ka mabsuud noqdaan ladaneey
Tuu MAWLAHEEN
ku manaystayee
Qurux mulkidaay
Ladaneey marwooy
Ruux mudan ayaad
Mara waaxid tahee
Magacaa ha jiro
Milgo iyo sharaf
Marti soor gobeed
Miyir iyo dulqaad
Maamuus gobeed
Maamuus wanaag
Tii uu MACBUUD
ku mariimayee ladaneey
Karti muujisaay