Heesta Midhisho - Lyrics
midhishoo hogoli haysoo
madheedhkiyo uubuxu muuqdoo
midhaha xumbo daad sudaane
marwaa nafta loo huraaayoo
martaa cuudka loo godlayaa
mirbaa hoy laga galaa
maankayga waxaa kugu mudan
aan maalno jacaylka oo
mugdigii aan kasoo baxnee
midhlay dadku seexdayoo
mugdiyoo roob da,ayabaa
anigu murugada jacayl
ismoogi intaan u kaco
melaan cidi jooginbaa
muuqaaga ka raadiyaa
maxamedow aawadaa
muxibadaan ku qabaa
anigu muraaqoonayaa
maxaan cidlo kali hamiyayoo
muuqaal riyo kuu arkaayoo
masalo jacayl dhex maray
muunaay waxa tahay muriyadoo
meelaan cidi jooginbaa
anigu murugoonayaa
maankayga waxaa ku mudan
aan maalno jacaylka oo
mugdigii aan kaso baxnee
maxaan muhashada aan qabo
adoo meel dheer ku maqan
inaad joogto modayaa
muhmal inta lay isawiroo
marnaba adigoon dhaway
hareeraha mililcaaa
maxameedoow aawadaa
muxibadaan kuu qabaa
anigu miraaqoonayaa