VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Miyrkaa ku salaamay (Live) - Lyrics

ruuxay meeli bugtaa ka kaluu u muhdaaye marwadaan ifka oo dhan haween aan uga maagay cidladuun miraanayay maqalkeed ku kobcaayay miciinkii wadnahaygaa muda aan anigu filanaayay mawlaheen ha ku daayee miyirkaa ku salaamay mudanoow aragaaga waxaan kuugu masaalay ubixii iyo magoolka midhiiisa bislaaday malabkiina da,aayo naftu muudso i leedahay miciinkii wadnahaygoow mudo aan anigu filanyoow mawlaeen haku daayee miyirkaa ku salaamay mulaygaa timahaaga miskaahagaba dhaafay macaankaa indhahaaga muunadaa quruxdaada macbuudkeen ku siiyay muxibooy gam,i waayay miciinkii wadnahaygaay mudo aan anigu filanaayay mawlaheen ha ku daayee miyirkaa ku salaamay mudaan kala maqnaynee muuqaagana raadshee milicdiiyo habeen dama meeraystay awgaa illaahbaa mahadaa leh maanta aan wada joogno miciinkii wadnahaygaa mudo aan anigu filanaayoow mawlaheen ha ku daayee miyirka ku salaamee
Queue is empty
-- / --