VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Naruuro - Lyrics

iga daa naftayday hadalada nac beerka ah ma anaa nal kuu baxay dam ka siiyay naaqusay ma anaa naq iyo roob dhul nabaad leh kaa raray nidarkiyo jacaylkii ma anaa u niyad furay ma anaa ninkii baray ka naqaystay qayrkay noloshaa sidaasee maxaad iiga nixisaa qalbi aan nabnabayaa nujisaa xasuustee dib miyay usoo noqon maalmihii naruuradu iga daa naftaydaay hadalada naxuusta ma anaa nasiibkiyo qadar qoran nagayn kara kaa naaxi waayaye maxaad ii nuglaysaaa inta uu nin ragi taro anigon ka noogayn maxaa nabarka aan dhayay naar ugu shidaysaa noloshaa sidaasee maxaad iiga nixisaa qalbi aan nabnabayaa nujisaa xasuustee dib miyay usoo noqon maalmihii naruuradu
Queue is empty
-- / --