iga daa naftayday
hadalada nac beerka ah
ma anaa nal kuu baxay
dam ka siiyay naaqusay
ma anaa naq iyo roob
dhul nabaad leh kaa raray
nidarkiyo jacaylkii
ma anaa u niyad furay
ma anaa ninkii baray
ka naqaystay qayrkay
noloshaa sidaasee
maxaad iiga nixisaa
qalbi aan nabnabayaa
nujisaa xasuustee
dib miyay usoo noqon
maalmihii naruuradu

iga daa naftaydaay
hadalada naxuusta
ma anaa nasiibkiyo
qadar qoran nagayn kara
kaa naaxi waayaye
maxaad ii nuglaysaaa
inta uu nin ragi taro
anigon ka noogayn
maxaa nabarka aan dhayay
naar ugu shidaysaa
noloshaa sidaasee
maxaad iiga nixisaa
qalbi aan nabnabayaa
nujisaa xasuustee
dib miyay usoo noqon
maalmihii naruuradu

Exit mobile version