Nafyahay caashaquu ka gaday
Qof kale caqlligeediyee
Xasuus ku casuumanee
Cidlada wehel moodeesaa
Haa moodeesa
cidlada wehel moodeesaa

Ha caban waxaan kugu iri ha caban
Ilmada cesho baan ku iri
Naftana culi baan ku iri
Caawana tasho baan ku iri

Waqtigu wuu cararaayee
Jacayl Loo caal helayn
Ka jar kaba gooy calooshooo
Nolasha cuusub soo dhaway

Nafyahay calool waa ha noqon
Nasiibkana ha u caroon
Haduu calaf kaa ceshaday
Cudooon way tagtayee ogow

Kacubo waxaan ku iri
Gayaanka calmo baan ku iri
Ka daay qalbiga ku iri
Mar uun ciil bax ku iri

Waqtigu wuu cararaayee
Jacayl Loo caal helayn
Ka jar kaba gooy calooshooo
Nolasha cuusub soo dhaway

Exit mobile version