nuurkii idhaha iyo
naftaa raaxadeedo
sidaa kuugu nugulahay
niyadaadu ma ogtahay

anba nabarka caashqau
inuu igu nagaado
noloshaba la'aanta
inaan nacayo ma ogtahay

naxdin li'i haduunban
naxariis u ladayaa

neecow jacayl iyo
waxaan naawila khayr

sida naqiyo raysiyo
naruuruhu da'aa
nimcada roob
nugulkuu ugu doogsada
ana kuugu naaxa

aniguna nimcooy
waxa aan ku nidar galay
naftaa kuu hibeeyo
nasiibkayga ku xidho

naxdin li'i haduunban
naxariis u ladayaa

neecow jacayl iyo
waxaan naawila khayr
nimco yaasiin haduunban
naxariis u ladaya

maxamed bk
waxaan naawila khayr

Exit mobile version