qudhu raadisee raadisee
qarni rubuciibaan qiirada kalgacal
la qandhoonayee
qoqol iyo ardaa qasri joogtayaa joogtayaa
qaxii yaman raacdayaa
qaarada shishiyo qoom kale dhexdood
ala ku qarsoontayaa
qadar iyo ayaanbaa ina kala qarshayee
qudus iyo dan raac kuma qoofalniye
qaaliyow halkii qayrkay jiriyo qalinbaan sitaye
qudhu waa tane igu qabo wadnaha
QAADIR mahadii weeyee
qiiradii kalgacaylkaygu
qabyo tira qalbi fiicanbuu helay
anba kuu qushuucayoo
qaamuuska noloshayda
qayb ka mida inaad tahay
qaali ii ogsoonow