Heesta Qof wayn - Lyrics
Maxaan Soo Wada jirnoo
Nolosha Wehel soo Ahayn
Maxaan Laba Wacad Galoo
Quluubta Jacayl ku Wayn
Xurmada ku Waraabiyoo..
Muxubo ugu soo Wanqalay
Ahayn Wadar dhaba Ahayn
Maxaan caashaqa warkiisa
la Soo Marnay Waayo badan
Ma jiro Wadka Ruux Hortii
Waayeel Ka Noqdaa Xubiga
Wakhtiyo Qurux daad lahyd
Haduu Cimri Wiiqayoo
Dheehii Wajigaagu Tagay
Qof Wayn Ani iima tihid
Waydiin Iyo Ma Leh Su,aal
Inaad Tahay Waayo Arag
Xiskaygani Waab Ku Lee
Taniyo Waagaan Ku Rabay
Maxaan Kugu Weehdayoo
Waraaqo Jacayl ah Qoray
Maxaan wadnayaal Sawiray
Maxaan weedhaha Kalgacal
Far Waawayn Kuugu Dhigay
Ma jiro Wadka Ruux Hortii
Waayeel Ka Noqdaa Xubiga
Wakhtiyo Qurux daad lahyd
Haduu Cimri Wiiqayoo
Dheehii Wajigaagu Tagay
Qof Wayn Ani iima tihid?