gaari qurux u dhalatiyo
sharaf ruux dhamaysaa
dhuda laan gobediyo
xariir baad ka dalatoo
nasab dhawrsan baa tahay
dhedig aynigaagiyo
jawaahireey dhigaagaba
dhif weeyaan aduunyada
qofaan adiga jawaahireey kuu dhigo
quruxbaa u dhalsho leh
xaragaa u dhaqasho leh
bilicbaa u dhugashoo leh
seesj=kiyo dhismaha guri
dhabeel baa u xilasho leh

wajigaaga dheehiyo
labeentii dhalaanimo
wali ay ku dhigantiyo
dhabankaaga curubta
sida dheeman luul
jawharad dhigeegii
saw araga dhaayaha
indhiiii ku dheehdaa jawaahireey
naxariis ma dheefaan
quruxbaa u dhalsha leh
xaragaa u dhaqasho leh
bilicbaa u dhugusha leh
seeskiyo dhismaha guri
dhabeel baa u xilasho leh

Exit mobile version