BK:
Xamdaay caashaqa runta ah
Adaa niyadeeda raacshay
Adaa reer ila yagleelay
Nolasha rasmi ilawadaagay

Xamada:
Markaan ku halay riyadu
Midaan rabay ii ahaatay
Aktaada intaa ku raystay
Xabiibi kuu raxay caleemo

BK:
Marwaa tahay raad qaboo
Marwaa tahay lala rafiiqo
Marwaa tahay loo runsheegto
Marwaa tahay loo riyaaqo
Marwaa tahay lala rafiiqo

Xamda:
Labada rayn iyo rashigaa
labada rogrogaynu nahay

Wada jir:
Ruux baa tahay ruuxda deeqday
Rag baa tahay kii aan doortay

Raalaay kaa tahay naftaydoo
Rug baad qalbigana ku leedahay
Raaxada guurka iyo wanaaga
? dhaxanta adaa aburay

Inaan ahay ruux nasiib leh
Bk annigu markaan ku helay rumeeystay
Docanna waa lidkaa iraacshay
Hiddo iyo dhaqan iyo rusheeyay

Bk:
Marwaa tahay raad qaboo
Marwaa tahay lala rafiiqo
Marwaa tahay loo runsheegto
Marwaa tahay loo riyaaqo
Marwaa tahay lala rafiiqo

Xamada:
Labada rayn iyo rashigaa
labada rogrogaynu nahay

Wada jir:
Ruux baa tahay ruuxda deeqday
Rag baa tahay kii aan doortay

Exit mobile version