ruuxii ku dagee ku doorsha
hadduu damacaagu diido
inaad dar Alleh u daysaa
mar bay danta guud xilkeed tahayee 2x
hadduu dacar kuu walaaqo
hadduu dabin kuu maleego
markuu dadka qololeeyo
adiga gooni kuu duucduuco 2x
wuxuu daa in kuu qorsheeyey
kolley kaa daahi maayo
dunida lagu waari maaye
naftaada naftaada samirka deeqsi 2x
dagaal weeyaan adduunku
inaad daartaada aakhiro
u dadaasho dantaada weeyi
allah danbiga iska dhoorto weeyaane 2x
dugsato diintaada weeye
darajo taasaad ku gaadhiye
dabka aakhiro cadaabtana
iyadaa dayr kaaga noqone 2x
wuxu daa in kuu qorsheeyey
kolley kaa daahi maaye
dunidan lagu waari maayee
naftaada samirka deeqsi 2x