Ragaa laba sinaan jiray
Guur kala saraysii
Usadguri midkoodoo
Kii kalena seetee

Sabba lagu nagaadda
Sirta nolosha weeye
Samirbaan ku gaadhee
Anna saynab waan helay
Guushiina waan sugay

Calafkuna sidiisaba
Sir illahay weeyoo
Samaduu ka qoranyee
Salka taan u dhigayee
Ku samaaday waan helay

Sannadkaygu kulaniyo
Illaa saaka caashaqu
Waa soorta maankee
Wuu igu siyaadaaa

Awlaad sideedaa
Midba aad sagaal dama
Kusidaysay uurkoo
Sinta aad ku qaadee
Sammo iigu nooloow

Calafkuna sidiisaba
Sir illahay weeyoo
Samaduu ka qoranyee
Salka taan u dhigayee
Ku samaaday waan helay.

Exit mobile version