Heesta Sukhra - Lyrics
sukhray waan ku doortoo
inta dumar maro xidhatiyo
intaa dunida joogta ba
intaan adiga kugu xidhay
dayac kaagaman tagin
dantu maanay kumey
qaban dibindaabyo ceeb
dilmadana ka caagani
anna waad i deeqdoo
dadkan kugu jecloo
dawadii nafteydaay
dookheygii baad tahay
dunida ba kal dhiman
dar allay qabyo u tahay
dadaal oo ka sii badi
dacar yaanay kugu noqon
degelkeygun joognana
door baa ku yaalo
dirir baa ku hooraye
ku ducayso waligaaa
anna waad i deeqdoo
dadkan kugu jeclahay
dawadii nafteydaay
dookheygii baad tahay.