VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Tukubo - Lyrics

Jacaylkan igu tuntee ani igu tuntee Mudaba aan la taahaya Marnaba aan ii tudhayn Hantaaq iyo turunturiyo Tukhaantukhuu igu hayaa Hurdaduu iga toosiyaa Tiriigbuu ii shidaa Tooshbuu iigu kaa hayaa Intaa wuu i kaa tusaa Dhiiga ku talaalantoo Qalbiga kaama tiri karee ILAAHBA taajiroo Qof taag daran toosiyee Jacaylka tukubaha u qabo Jacaylkan igu tarmee Marnaba kaama tageen Haduu kugu fakax tagee Inaan kugu tiirsadiyo Taageeraan kaa rabaa Talaabo ma qaadi karo Halkaad igaga tagtiyo Bartiibaan taaganahoo Wuxuunban tabanayaa
Queue is empty
-- / --