qofaad u jeclayd si dhaba
dhib iyo dheef qaybsateen
dhankiisa hadii aad waydo
waxaa kugu dhaca nugayl
waxaan dhayal sura galin
dharaaraha kabashadee
nafyahay soo dhabar adaygtay
dhaaxuu ku hayee cishqigu
haduu maruun kaa dhamaaday
ku dhaaf xiligii adkaaye
kasoo kabo dib u dhiciisii

hankuu dhaawacay jacaylku
intaad waday dhaymihiisa
dhaqaaq qayrkaa dhacmee
inbaa dhabtii dayaxaa dagay
dhakhsoo gaadhsiina dhaaf
dheeree ha isu dhiiibin nacab
nafyahay soo dhabar adaygtay
dhaaxuu ku hayee cishqigu
haduu maruun kaa dhamaaday
ku dhaaf xiligii adkaaye
kasoo kabo dib u dhiciisii

Exit mobile version