Tab iyo xeel iyo awood
Dadaal tacab iyo Nasiib
Maxaa tacab igaga baxay

Inaan boholyoow ka tiro
Maankii tabashadda badnaa
Naftana ku idhaa hatabin
Xusuus iyo maalmo tegey

Awood ta Allaa u weyne
Wakhtiga tagayoow salaama
Xiliga hadda taagan iyo
Nolosha timiyeey badhaadho
Tusmiyo kaa helay wanaag

Diriyo sanadooyin badan
Tusaaliyo talo u fiican
Naftaan tusay waayeheeda

Halkaan la rabeen tag idhi
Ayay hadda taagan too
Hilawgiina muu tarmine
Farxadu way taabo qaaday

Awood ta Allaa u weyne
Wakhtiga tagayoow salaama
Xiliga hadda taagan iyo
Nolosha timiyeey badhaadho
Tusmiyo kaa helay wanaag

Exit mobile version