markay talo xaal adkayd
dantiyo xilugna gudhnaa
adaa dhibka ii xamilay
adaa xagal daac ka jiroo
naftana xasilooni baray
adaa dada ii xigee
miyaan ku xumayn karaa
marnaba xaawaay anigu
inaad tahay rux xurmiyo
xil iyo iga mudan xaqdhawr
qalbiga uga dhigay xerona
xaawaay waliga ogoow
xigtooy waligaa ogoow

markaaan kugu xidhay duntaa
xoorkii dhamay caashaqoo
xujiyo ka bogsaday hantaaq
adoon ii laab xalnayn
xiiso noloshu iima le
wuxuu xasilaa jacayl
lur iyo ka xorooba hawl
markii laga jiro xumaha
inaa tahay ruux xurmiyo
xil iyo iga mudan xaqoo
qalbiga uga dhigay xerona
xaawaay waligaa ogoow
xigtooy waligaa ogoow

Exit mobile version