sadex goor xaqmudaneey hooyo
xinjirtaydaa dhiigaay
xaramkii labaad ey
xaaska haybadiisaay
sadex goor xaqmudanleeyey
xogogaalkii dhaqankaay
xildhibaankii noloshaay
xuduntaan ka beermaay
la,aantaa xayaatada hooyo
xabaal baan ka gali laa
ka xumeeyay ma aflaxo
ka xishmeeyay ma ambado
qof xaqaaga moogani
ma xasilo aduunyada
marka uu xijaabtana
xawdkii rasuulkiyo
jano waa ka xaaraan
hadan xoog u leeyahay
xayiraayo dhiilada
xumad iyo bukaaniyo
xanuun maydin kulanten
anigaa xawilan laa
dhibta kuu xamili laa

sadex goor xaq mudanleey
xiskaygiyo naftaydaay
xididada halbawlaha
xinjiraha u qaaday
sadex goor xaqmudanleey
xujadii aduunkaay
xayndaabkii gusshaay
xaruntaan ka beermaay
la,aantaa xayaatada
xabaal baan ka gali lahaa
xarumaha calooshee
hooyo igu xamaashee
qaydkiyo xanjeerkaad
hooyo igu xambaarto
xanaf iyo kulayliyo
xanuun fooshu leedahay
xaqii naaska kama tago
hadaan xoog u leeyahay
xaiyaraayo dhiilada
xumad iyo bulkaaniyo
xanuun maydin kulanten
aniga xawilan laa
dhibta kuu xamili laa

Exit mobile version