Gacal iyo xigaaloow
Inta goobta timidee
Hanbalyiyo salaan
Mashxarad naga gudooma

Axdigiu gu'yaal badan
Soo guntamaybaa
Laba ay gardaadshaan
Maanta goobta yimide
ALLOW gurigood nagaadee

Gacal iyo xigaaloow
Inta goobta timidee
Hanbalyiyo salaan
Mashxarad naga gudooma

Guri galkiina caawu
Galbiskii arooskiina
Ganbalayda fadhidoo
Galad EEBE weeyoo

Gacal iyo xigaaloow
Inta goobta timidee
Hanbalyiyo salaan
Mashxarad naga gudooma

Geesi weeyi Maxamede ogow
Daahira walaalee
Garashadu u dheertahay
Horumarbuu ku gaadhsiin
Ka dhawr gafkana lamaanaha

Gacal iyo xigaaloow
Inta goobta timidee
Hanbalyiyo salaan
Mashxarad naga gudooma

Gaari weeyi daahiroo
Ogow maxamdow
Gacalkiyo zigaalkana
Godka ay u fuulaan
Ka dhawr gafkiyo xumaatada

Exit mobile version