VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hodan - Lyrics

Geeluba hareeriga Iyo meesha hawdka le Wuxuu ugu hanwaynyahay Honkoraha kaliishiyo Hanfigiyo kulaylaa Inuu hoos fadhiiste Har qabaw udgoontee Ana himiladaydii Ma ahayn inaan hodan Haasawaheediyo Hawraar macaaniyo Hiil inaan ka waaye Markii ugu horaysaybaan Halacsigaa jaleecada Hagar maan filaynine Maantana hungaan ahay Hamigayga been noqoy Hogol aan daynbaan Haamo maran u hoorsaday Haraadban bastay ahay La iskama hagoogtee Aahaa aahaa Waa la hubsadaayoo Aahaa aahaa Halkay hadimo kuu taal waa laga hayaama
Queue is empty
-- / --